Shiikh Abba
markacadey.net:-War naga soo gaarey dalka Yemen ayaa sheegayaa in subaxnimada maantey uu magaalada Tacis ku geeriyoodey Sheekh Maxamed Axmed Maxamud oo loo yaqiin (Sheekh Abba).
Shiika Alla ha u naxriistee wuxuu ahaa nin diinta Islaamka caalim ku ah, waxaana Xamar iyo Gobolka Banaadir loogu yiqiin Sheekul Balad ama Sheekhul Banaadir.
Shiikha wuxuu ahaa nin aqoon weyn u lahaa diinta Islaamka, wuxuuna taqasus gaar ah u lahaa taariikhda Islaamka iyo midda dhaqanka Somaaliyeed, gaar ahaan mida beelaha banaadiriga iyo beelaha kale ee ku nool Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka. Sidaasi darteed, wuxuu ahaa muxaafidka taariikhda iyo xikmooyinka dhaqameed ee qadiimiga ah, wuxuna haayey qoraalo asal ah oo arrimaha ku saabsan.
Sheeka Abba wuxuu ahaa qof aqoon dheer u leh cilmiga nafsiga iyo dawooyinka dhaqameed (Traditional Medicine), wuxuuna dadka ismaan dhaafa ama murugowda ka daaweyn jirey isagaoo xiganaayo Quraanka Kariimka iyo Sunnada Nabiga.
Sheekh Abba wuxuu ahaa nin xikmad (Wisdom) badan oo dadka Somaaliyeed ay si weyn talooyinkiisa u kaashan jireen. Wuxuuna ahaa qof aad loo cisa, lana dhegeysta xaalad kasta oo dalka ku suganyahay. Sidoo kale, wuxuu ahaa qof caan ka ah Afrikada Bari iyo Khaliijka Carbeed.
Geeridan naxdinta weyn leh waxaa aad ugu murugowdeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibadda dalka Somaaliya.
Maamulka warbaahinta MarkaCadeey.com iyo shaqaalahiisa tacsi oo tiiraanyo leh u dirayaan qoyska uu ka geeriyoodey Sheekh Aba waxeyna Eebe ugu baryayaan inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.
Maamulka Markacadeey wuxuu furi doonaa bog tacsi ah si dadweynaha qurbaha ku nool iyo kuwa dalka joogaba oo ay eheladiisa ugu tacsiyeen karaan.
Xafiiska Markacadeey Mukkalla (YEMEN)

