Goobjooge
Qisadii Al-itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf
BUUG CUSUB
Maarso 2007
abdibashir@hotmail.com
Buuggan waxaa lagaga sheekaynayaa, dhacdo xus mudan oo soo martay qaybo ka mid ah bulshada soomaaliyeed. Waa dagaal qarxay 19 juun 1992kii oo dhexmaray ururkii la odhan jiray Al-itixaad Al-islaami iyo ururkii la odhan jiray SSDF oo uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Goobtu waa Boosaaso. Buuggu wuxu u qoranyahay hab sheeko ah oo lagu qurxiyey dareenkii qofka laga soo weriyey. Waxaa la soo bandhigayaa qof goobjooge ahaa wixii uu kala kulmay dagaalka iyo waayo aragnimadiisii.
Waa wiil dhallinyaro ah oo aan ka soo jeedin gobolladii dagaalladu ka qarxeen oo maxbuus ahaan gacanta ugu galay garabkii dagaalka ku xoogroonaaday ee SSDF.
Wiilkan oo magaciisa lagu suntay Samatar Ducaale, sideebuu ku yimid Boosaaso?
Markii dagaalku qarxay sidee wax u dheceen?
Sidee Xabsiga Boosaaso u galay Samatar? Sidee ula dhaqmeen madaxdii SSDF iyo madax dhaqameedkii reer Barigu markii ay qabteen? Muxuu xabsigii kula kulmay? Yaa kula jiray jeelka? Sidee uga baxay?
Dhammaan jawaabta su’aalahaas ayaad ka dhexhelaysaa qisadan xiisaha badan ee buuggu koobsanayo. Waxad intaa ku darsata in qisada dagaalkan ay horjoogeyaal ka haayeen, ragga maanta loogu hadalhaynta badanyahay siyaasadda Soomaaliya oo kala ah; Madaxweynaha dawladda federaalka ku meelgaadhka ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo hoggaamiyeha maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Buuggan waxa qoray Maxamed Xirsi Guuleed (Abdibashir) oo ah qoraa hore u diyaariyey buugaag daabacan iyo kuwo madbacad sugaya oo fara badan, waxaana ka mid ah:
Buugaagta qoraaga ee daabacan:
1. DA´YARTA SOOMAALIYEED EE SWEDEN, DHIBAATOOYIN IYO XALKOODA 2000
2. RAGGA TOODII ARAGNAYE, DUMAR TALO MA LAGA DEYEY 2002
3. SHIRRABID HALABUUR, SUGAANTA M XIRSI 2004
4. WAA MAXAY WAXANI ? 2005 (TURJUMID, SOMALI/SWEDISH)
5. CAQIIDADA ISLAAMKA, SU’AALO IYO JAWAABO 2006
6. EREYO ISKU LIDDI AH, 2006 (TURJUMID: SOMALI/SWEDISH)
7. GOOBJOOGE, DAGAALKII AL-ITIXAAD IYO CABDULLAAHI YUUSUF
Buugaagta aan weli la daabicin:
A. Is daahirinta muslinka, Su’aalo iyo jawaabo
B. Gabay iyo haween
Dalbasho
Haddaad xiisaynayso buuggan kala xidhiidh qoraaga laftiisa. Qiimuhu waa $15 (100 KR).
Haddaad dalbanayso tiro badan 10 xabbo waxaad leedahay qiimo jebin ah ilaa 15%,
Haddaad dalbanayso tiro ka badan 50 xabbo waxaad helaysaa qiimo jebin ill 30%.
Xidhiidh:
Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir) Sweden/Stockholm
abdibashir@hotmail.com
Comment RSS · TrackBack URI
mudugpost said,
March 19, 2007 @ 8:53 am
Ascw
Waad Mahadsantihiin Akhyaarta Sharafta Lahoow U Heelanaantiina websitekiina koowaad ee MudugPost Media Network.
walaalayaal wali pagekaan si fiican umaanaan dhamaystirin warbixinada oo aanaan sifiican u soo dhamaystirin dareedeed,balse intaan isha kusii qabawsada.
F.G:Akhriste Sidee U Aragtaa Pagekaan?Muxuu Kusoo Siyaadin Karaa Bay Kula Tahay Diiwaangalinta Iyo Faafinta Buugaagta Soomlidu Ay Gacmahooda Ku Qoraan Halkii Laga Faafin Jiray Buug Qalaad?
Fadlan Ra’ayigaag Commentska Kusoo Darso::::Fikradaadu Muhiim Iyo Waxtar Bay U Tahay Bulshada Soomaaiyeed Gaar Ahaan Inta Fikradaadu Gaarto.
F.G# Fadlan Buugaagtaad Hayso magacyadooda,Qorahooda,Waxtarkooda,Iyo Macluumaadkooda Oo Dhan Sida Dhinaca Iibka,Meelaha Laga helo Iyo Siyaabaha Lagu Helo
Fadlan Noogu Soo Dir Email:
faalo_mudugpost@walla.com
ama
mudugpost@gmail.com
Hadba Kii Kuu Fududaada.
Mar Kale Waad Mahadsantihiin.