Tan Iyo markii Ay Dhacday Dawladii Daakhiliga Ee Soomaliya,Cagtana Maleeshiyaad Hubaysan oo Qabaa’ilo Ahi Mariyeen Nidaamkii Dawlo ee Dalku Lahaa Waxay Soomaaliya Cagta Kula Jirtay Ismari-Waa Siyaasadeed oo Gacanta Layskula Tagay Kana Unkamay Cuqdado Qabiil oo Fac Dheer Soo Jiray.
Waxaa Dalka Ka Dhacay Dagaalo Lagu Xasuuqay Dad Aan Loo Kala Soocin Heyb,Dambiile Iyo Birimageydo Midna Sida Dhaqanka Soomalidu Ahaan Jiray Beri,Dagaaladaaan Waxaa Horkacayay Saraakiishii Dawladii La Afgambiyay Ka Horyimid Iyo Kuwo Heyb Qabiil Ula Saftay Kadib Burburkii Dawladii Kaligitaliska Ahayd ee Uu Hogaaminayay Allaha U Naxariistee Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa Dalka Dibadiisa Had iyo Jeer Lagu Qaban Jiray Shirar Loogu Magac Daro Dib-Uheshiisiin oo ay Qabanqaabin Jireen Beesha Caalamku Balse Guuldaro Iyo Khilaf horleh Mooyee Aan Wax Kale Laga Dhaxlin,Waxaana Lagu Sababayn Karaa Dhawr Arimood:
- Beesha Caalamka oo Aan Daacad Ka Ahayn Heshiis Dhab Ah oo ka hirgala Soomaaliya Taasina Waxaa U Daliila Shirarka Dhacay Waxaa Mar walba Ka Maqnaan Jiray Hogaamiyayaal Xiligaa Dawr Lama Dhaafaan Ah Ku Lahaa Dalka oo Dib U-Heshiisiinta Aanay La’aantood Socon Karin.
- Dawldadaha Xuduudka oo Aan Raali ka Ahayn Soomaliya oo Meeqaamkeedu Usoo laabtay Kulana Gorgortamaysa Hogaanka Awoodeed ee Geeska Afrika..Tusaale Ahaan Markii Shir Dib uheshiisana La Abaabulo Itoobiya Waxay Sameysaa Isbahaysi Mucaarid Ku Ah Go’aamada Lagu gaaro Shirkaa Islamarkaana Waxay Si joogtaa u Usoo Galisaa Dalka Hub Ay U Dhiibayso Isbahaysigaas Si Uu Isugu Difaaco Hadii Ay Timaado Awood In lagu Maquuniyo Ama Inuu UMuuqdo Awood Aan La Dhayalsan Karin…Tusaale Fiican Waxaa Ah Isbahaysigii SRRC ee Ka Horyimid Dawladii Carta lagu Soo Dhisay.
- Hogaamiyayaasha Dagaal ee Soomaaliya oo Aanay Ka Go’onayn Inay Fuliyaan Waxyaabaha Ay Kusoo Heshiiyeen Ayaa Waxay Ciyaaraan Qaab Siyaasadeed Gurracan oo Ay Ku Jillaafaynayaan Dowlada Ay Soo Dhisteen Taana Waxaa Daliil Cad U Ah Dawlada Embagathi ee Haatan Burburku Kamuuqdo,Markii Lasoo Dhisay Hogaamiyayaasheedu Waxay Si Dahsoon u Sameeyeen Isbahaysiga Xamar Iyo Kan Jawhar oo Isu Rogay Baydhabo Midkastana uu Doodiisa U Ekaysiinayo Qaab Sharci Ah.
- Dagaalka Ugu Weyn oo ah Mid Looga Soo Horjeedo Islaamnimada Soomaaliya Waxayna Fikradani Ku Salaysan Tahay Afkaarta Yahuuda Iyo Masiixiyadu Ku Heshiiyeen oo Ahaa In Latirtiro Dowladaha Islaamka Ah,Gaar Ahaan Kuwa 100% Ah Iyo Geeska Afrika in Laga Dhawro Dawlad Islaam Ah Taasna Waxaa Daliil Cad u Ah Dagaalka Soomaaliya Iyo Darfur.
Soomaaliya Waqtigan La Joogo Waxay Ku jirtaa Jawi Siyaasedeed Ka Aragti Duwan Kii Hore oo Ku Salaysan Dirirta Maraykanka ee Al-Qaacida,Waxaa Shan Sano Jirsaday Maamulka Embgathi Haatana Umuuqda Si Toosa Inuu U Burburay Laakiin Waxaa isweydiin Mudan Maxaa Sababay Guuldaradaan Ku Timid Kooxda Embgathi?
Ayadoon lagu dagdagin,Waxaan Oran karaa Waxaa Sabab U Ah Tubtii Layiri Ku Shaqee oo Ay Kaweecatay,Halkii Ay U Adeegi Lahayd Bulshada Soomaaliyeed Ayay U Adeegtay Itoobiya Iyo Maraykan oo Dano Kala Duwan Ka Leh Dalka Soomaaliya.
Maraykanku Wuxuu Mudo Dheer Ka Goobayay Soomaaliya Rag uu Ku Tuhmayo Argagaxisonimo,Tuhumkaa Asagoo Ka Shidaal Qaadanaya Ayuu Aasaasay Urur La Oran Jiray Isbahaysiga Ladagaalnka Argagixisada Waxaa Islamarkii lagu Dhawaaqayba Weerar Hubaysan Kala Hortagay Maleeshiyaadka Ururka Al Itixaad oo Ku Dagaal Galayay Golaha Maxkamadaha Islaamiga,Waxaa kala Horkacayay Dagaaladaan Hogaamiyo kooxeedyadii xamr Iyo Xassan Dahir Aweys.
Dagaalkaan Waxaa Ku jabay Qabqablayaashii Dagaal ee Soomaali kadeeday,Ururka Al Itixaad waxay gacanta Ku Dhigeen Inta Badan Koonfurta Iyo bartamaha Soomaaliya Waxayna Kusoo Caliyeen Ammaan Baaxad Weyn…Islamarkiiba Maraykan Iyo Itoobiya Waxaa Ku Dhacay Baqdin Kaga Soo Wajahan Geeska Afrika Waxay Embgathi Ku Shubeen Inay Ladagaalanto Maxkamadaha Ayadoo Gacan Military Iyo Dhaqaale Ka Helaysa Itoobiya Iyo Maraykanka,Taana Way Hirgashay Balse Miraha Dagaalkaasu Maxay Noqdeen?
Dagaalkaan Wuxuu Dhalay Dagaal Cusub oo Kundhufoo ka Dhaqaaqa oo Ay Al-Itixaadku Abaabuleen Kalana Hortageen Ebgathi Iyo Galada Soo Duushay Dagaalkaa oo Sanadii Sadexaad Kusii Siqaya Wuxuu Horseeday Burbur iyo Khilaaf Ku Dhaca Embgathi Iyo Al-Itixaad.
Itoobiya Haatan Waxay Leedahay Soomaaliya Guuldaro Ayaa Kasoo Socota oo Waxay Sabab Uga Dhigaysaa Hogaanka Embgathi oo Faashil Noqday,Sidaa darted Waxay Leedahay Waa In lahelaa Hogaan Cusub oo Dalka Badbaadiya….Aragtidaan Fikradaan Ka Qabana Waa Itoobiya oo Doonayasa Inay Sii Xalaashato Joogitaanka Soomaaliya Iyo leynta Shacabka,Maxaa Yeelay Kooxdan Tan Iyo Intii Lasoo Dhisay Ilaa Hada Waxaa Ragaadiyay Khilaaf Dhexdeedaa Bal Daa Inay Wax Qabatee Itoobiyana Way Lakala Safan Jirtay Tusaaale Fiican Waxaa u Ah Proffessor Geedi Iyo Colonel Cabdulaahi Yuusuf Khilaafkii Dhexmaray Waji Kasta Halagu Maldahee.
Waxaa Iyana Tiiraanyadeed Leh tacadiyada Ay Samaynayaan Ururuka Al-itixaad Si gaara garabka Shabaabka oo tacadigoodu xad Dhaafay Dhawaan Waxay Sheegteen Inay Toos Uga AmarQaataan Ossama Bin Laden,Waxay Soo Bandhigeen Cajal Muujinaya Inan Soomaaliyeed oo lagawracayo lana leeyahay Waa Gaal Murtad Ah…Waxaa Lagu eedeeyaa Inay Laayaan Dadka Waxtarka Bulshada U Leh ee Soomliya Lagu laayo,Waxay U Hanjabaan hay’adaha Samafalka Ayagoo Dilna Ugu Dara,Sidoo Kale Waxaa Qeyrul Caadi Noqday Mabda’a Gaalaysiintaa(Takfiirigaa) ee Ay Al-Itixaadku Caado ka Dhigteen Cidkalaba Daaye Ayagii Ayaa Isku Xukmaya Waxayna Daliil U Tahay Diinyarida Haysa Al-Itixaadka.
Haatan Soomaliya Waxay kusii Dhacaysa God Dheer oo Wadaan Gaartaba In lawaayo Ay Halis U Tahay?Hogaan Siyaasad Wacan Leh,oo Daacad Ah Ayaa Xal U Ah……….Laab Xaarnaan Shacbiga Dhexmarta Ayaa Daawo U Ah…………Wada Shaqayn Isimo oo Xalaal Ah Ayaa Fure u Ah………Culimaa’udiin Iyo Culimo-Maadi oo karti Leh Ayaa Hormuud U Nah……….Nabad Iyo Heshiis Ka Hirgala Soomaaliya.
Soomaaliyeey Soomaaliya Dabaqabateeya….Dantiina U Hagar Baxa…..Dalkiina U Hiiliya…….Diintiina Hogaamiya…….Dhaqnkiina Toosiya……Guul Baad Gaari Doontaane Dalka Hooyo U Dub naxa………….Da’ayarta Maad Toosisaan……Diinta Ku Ababisiin…..Dhaqanka Maad Bartiin….Birtana Maad Ka Dhigtaan……Qalinka Aad U Dhiibtiin………..Dantiinu Waa Midaa….Allahayaw Bidhanshaye Garansii………..
Waxaa Diyaariyay
Maxamad C/raxmaan Xuseen (Maxamad Gaanni)
E-mail:m_gaanni@hotmail.com/ Website:www.mudugpost.tk
Aimee Davidson said,
May 28, 2010 @ 10:40 pm
Super awesome read. Honestly!
Elliott Walker said,
May 30, 2010 @ 1:16 am
If only I had a nickel for every time I came here! Great article!
Opal Burch said,
May 30, 2010 @ 5:30 pm
If only I had a buck for each time I came here… Superb read.