Archive for August 28, 2008

Soomka الصوم

Waa Maxay Soom?

   Erayga Soom Waa Eray carabi Ah Micnihiisuna Waa In Qofku Camal uu Qaban Lahaa uu Kajoogsado oo Faraha Ka Qaado.

   Laakiin Shareecada Islaamku Erayga Soom Waxay u Isticmaashaa:

  “In Qofku uu Ka Joogsado Waxyaabaha Soomka Buriya Nidaam uu Sharcigu Dajiyayna uu Uga Joogsado”

 

  Waa Maxay Xukumka Soomku?

 Soomku Waa Rukni Kamida Arkaanta Islaamka ee Shantaa Waana Waajib Waxaana Udaliil Ah:Kitaabka,Sunnada Iyo Ijmaaca.

   Kitaabka:Ilaahay Wuxuu Yiri:ياأيها الذين ءامنو كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون

Ilaa Laga Gaarayo: فمن شهد منكم الشهر فليصمه

Oo Ah“Dadyahow Waxaa La idinku Waajibayay Soom Sida Kuwii Idinka Horeeyayba Loogu Waajibayay” Ilaa Laga Gaaro “Qofkii Idin Kamida oo Bisha Arka Ha Soomo”

  Sunnada: Rasuulku SCW Wuxuu Yiri :D iinta Islaamka Waxaa Lagu Dhisay Shan Rukni: 1.Ilaahay Mooyee Ilaah Kale oo Xaq Lagu Caabudo Inuusan Jirin oo Laqoro Iyo In Nabi Muxamad SCW uu Yahay Rasuulkii Ilaahay 2.Salaadoo La Oogo 3.Zakada Oo Labixiyo 4.Bisha Ramadaan oo lasoomo 5.Baydka Ilaahay oo Camal(Xaj) Loogu Qasdo

  Ijmaaca:Lama Hayo Qof Muslimiinta Ah Oo Ka Horyimid Amaba Diiday,Waana Wax Layska Yaqaan Caadiyanba Diinka Dhexdiisa,Qofkii Diida Waajibnimadiisana Waa Waa Gaal Ilaa Inuu Markaa Diinta Soo Galay Mooyaane Amase Uusan Aqoon Waajibnadiisa Fogaansha uu Kafogyahay Culimada Darteed.

 

   Goormaa Lafarad Yeelay Soomka?

 Soomka Waxaa La Faradyeelay Bishii Shacbaan ee Sanadkii Labaad ee Hijriga.

 

Waxaa Xigi Doona Duruus Kale oo Badan Oo Kusaabsan Soomka Laguna Soo Gudbin Doono Isla Post-gaan Ama Titelkaan.

 

 

Leave a comment »

Wargalin Kusocota Akhristayaasha

 

Waxaa Lagu Wargalinayaa Aqristayaasha Shabakada Diinigaa ee Mudugpost Inay Soo Daabici Doonto Dhawaan Duruus Diini Ah Ayadoo Uga Qeyb Qaadanaysa Bisha Barakayasan ee Ramadaan Waxayna Isku Dayi Doontaa Inay Sii Wado hawlahaas.

  Shabadu Waxay Ka Raali Galinaysaa Aqristayaasheeda Inaanay Mudooyinkaan Shaqeyn Sababo Xaa Farsamada Iyo Jaaniska Ah.

  Shabakadu Wey Soo Dhawaynaysaa Qofkasta oo Dhambaal Waxtar Uleh Shareecada ISlaamka Xambaarsan oo  Soo Bandhigaya INay Daabacdo.

   Shabakadu Waxay Wax Geysanaysaa Nabadaynta Soomaaliya Iyo Hirgalinta Shareecada.

  Taladaada Fadlan Noogu Soo Gudbi:

mudugpost@hotmail.com

Comments (2) »

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.